Wasiir Cawad : Go’aanka aan qaadanay kuma xirna arinta Wariyaha la la’yahay
Talaado, October, 16, 2018
(HOL)- Wasiirka arrimaha dibedda
dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay go’aanka
dowladda Soomaaliya ay isku bar bar taagtay Boqortooyada Sacuudiga, ayaa
sheegay in aysan isku xirneyn go’aanka ay qaadatay dowladda iyo arinta wariyaha
la la’yahay ee Jamal Khashoggi
Isaga oo la hadlayay laanta
afka Soomaaliga ee VOA ayuu meesha ka saaray in go’aankan dowladda Soomaaliya
gaartay yahay mid loo maariyay oo ay dalbatay dowladda Sacuudiga, hasse ahaatee
waxaa uu sheegay in uu yahay go’aan Soomaaliyeed.
‘’Iskuma xirna arinta wariyaha
la la’yahay iyo mowqifka aynu qaadanay, waa mabda’a joogto ah inay ku garab taagan tahay dowladda Sacuudiga
mowqifkeeda ay ku diidan tahay in la handado ama loo hanjabo in aysan fiicneyn
oo ah olole lagu waxyeeleynayo ay wadaan quwado”ayuu yiri Wasiir Cawad.
Laakiin wasiirka ayaa ka
war-wareegtay islamarkaana ku dhiiranwaayay in uu cadeeyo mowqifka dowladda
Soomaaliya ee la xiriira wariyaha la la’yahay oo markii ugu wardanbeysay ku
sugnaa gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul.
Sidoo kale wasiirka ayaa
sheegay in marnaba dowladda Soomaaliya ka dalban doonin dowladda Sacuudiga in
laga run sheego baaritaanka socda, iyo mowqifkeeda ku aadan in ay ka xuntahay
wali in war iyo wacaal loo heynin halka uu ku danbeeyay
Khashoggi.
‘’Annaga
arrinta wariyaha ah go’aan kama aanan gaarin ugama hor imaan, kumana difaacin
Sacuudiga, go’aanka waxaa weeye dowladda sacuudiga ku garab taaganahay
dhaqaalaha iyo amnigooda in la difaaco”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda
Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa
noqoneysa dowladdii ugu horeysay ee muujisay mowqifkeeda ku aadan cadaadiska
lagu hayo Sacuudiga kaddib warka ku saabsan in la la’yahay wariye Jamal
Khashoggi, waxaana jira cadaadis heer
caalami ah oo isa soo taraya iyo dareen dunida oo idil ka muujisay arinkan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]