Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo soo bandhiggay cilmi baaris la xiriirta hannaanka horumarinta dhaqaalaha dalka
Axad, November, 11, 2018 (HOL) – Golaha
Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ku saabsan
xoojinta dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda dalka iyo horumarrada laga gaaray
ka dhagaystay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.
Shirka Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddominayay
Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre ayeey Golaha Dhaqaalahu ku soo bandhigeen
cilmi baaris ay ka sameeyeen istaraatiijiyadda maalgashiga dalka, kobcinta
dhaqaalaha, kordhinta dakhliga dawladda, iskaashi dhaqaale oo Soomaaliya ay la
yeelato wadamada Bariga Afrika iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah
musuqmaasuqa.
Golaha dhaqaalaha qaranaka oo adeegsanaya cilmi
baaris dheer iyo cadaymo ayaa dawladda kala taliya arrimaha dhaqaalaha dalka,
iyaga oo sidoo kale dawladda talo ka siiya diyaarinta iyo dhaqan-galinta
siyaasad dhaqaale oo tayo leh taas oo ka caawinaysa isku-dubaridka khayraadka
dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya,
Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Dekareeto ku magacaabay golaha
dhaqaalaha qaranka July 12, 2018, waxaana si rasmi ah loo daah-furay August 11,
2018.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]