4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2018
Madaxweynaha Turkiga oo u magacaabay safiir cusub Soomaaliya

Sabti, November, 10, 2018 (HOL) -   Madaxweynaha dalka Turkiga,Recep Tayyip Erdoğan ayaa safiir cusub u magacaabay Soomaaliya,sida ku cad wareegto uu baahiyay xafiiska madaxweynaha Jimcihii.

Mehmet Yilmaz ayaa loo magacaabay safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya, isagoo booska ka bedelaya safiirkii hore Olgan Bekar.

Olgan Bekar, ayaa tan iyo 2014 waxaa uu ahaa safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, waxa uu ka shaqeeyay xiriir dib usoo laabtay ee labada dal,iyadoo muddada uu joogay Turkiga uu Soomaaliya ka fuliyay mashaariic badan oo dhinaca horumarinta ah.

Isbadalka uu madaxweynaha Turkiga ku sameeyay safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo ah midda ugu weyn ee dibadda uu ku leeyahay Turkiga, ayaa ku soo aaday kaddib markii Muqdisho ay booqdeen Arbacadii wafdi u hoggaaminayo wasiirka difaaca Turkiga oo la kulmay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida weyn u taageerra Soomaaliya,waana mid ka mid ah dalalka sida dhow galan-galka ugu leh siyaasadda Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya colaad .

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]