4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2018
Madaxweyne Biixi oo isku bedel ku sameeyey golihiisa wasiiradda

 

Sabti, November, 10, 2018 (HOL) -Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyey golihiisa wasiiradda, waxaanu xilkii ka qaaday wasiirkii Maaliyada Yuusuf Maxamed, halka wasiirkii arrimaha  dibada Sacad Cali Shire u magacaabay wasaarada maaliyadda.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta isku shaandheyn kooban ku sameeyey golihiisa wasiiradda, waxaanu xilkii ka qaaday wasiirkii Maaliyada Yuusuf Maxamed, halka wasiirkii arrimaha dibada Sacad Cali Shire u magacaabay wasaarada maaliyadda.

Sidoo kale, wasiirkii waxbarashada Yaasiin Farotoon waxa uu ka dhigay wasiirka Arrimaha Dibadda.

Masuuliyiintan uu magacaabay iyo kuwo uu isku bedelay waxay kala yihiin:

1.wasiirka arrimaha Dibadda waxa loo magacaabay Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir farotoon.

2. wasiirka Maaliyada waxa loo magacaabay Dr:Sacad Cali Shire.

3. wasiirka waxbarashada waxa laga dhigay Cismaan Jaamac Aadan Iimaan.

4. wasiir ku xigeenka maaliyadda waxa laga dhigay Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhaga-weyne) oo hore u ahaa wasiir ku xigeenka waxbarashadda.

5. Maxamed Daahir Axmed Furreh - Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa loo bedelay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

6. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.

7. Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

8. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf - Agaasimihii Guud ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

9. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage - Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa laga dhigay xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka.

10. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax - Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska waxa isna loo magacaabay xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka

Si kastaba ha ahaatee, waxay dadku aad u hadal hayaan wasiirka Maaliyada Sacad Cali Shire iyo wasiirka Arrimaha Dibada Yaasiin Farotoon oo lagu dhaliili jirey wasaaradaha ay joogeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.