4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 22, 2018
Jaamacada SIMAD oo Dawo ugu deeqday dadkii ay wax-yeelladu ka soo gaartay Fatahaadda Beledweyne


Talaado, May, 22, 2018 (HOL) – Iyadoo uu soconayo gurmad ballaaran loogu tala-galay in lagu caawiyo dadka ay wax-yeelladu ka soo gaartay daadadka iyo fatahaada ku dhufatay qeybo ka mid ah gobollada dalka, ayeey Jaamacada SIMAD dawo ugu deeqday dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay Fatahaada ku dhuftay dhawaan magaalada Beledweyne.

Gudoomiyha Jaamacadda SIMAD Daahir Xasan ayaa ku wareejiyay guddiga 98 kartoon oo isugu jira daawoowinka loogu talagalay in lagula tacaalo cudurrada ay suurta-galka tahay in ay ka dhashaan daadadka.  

“Fatahaada mar walba waxaa daba socda cuduro dilaaca marka biyuhu guraan sababana in waayeelka, hooyooyinka iyo ilmaha yar ee u nugul cudurada ku wax-yeeloobaan bakteeriyada ka dhalata Fatahaadka ayuu yiri ‘’ Daahir.

Dawada ay SIMAD ugu tala-gashay in ay uga qeb-qaadato gurmadka socda koobeyd 98 Kortoon ayaa isugu jira dawooyinka lagula tacaalo cudurada shubanka, burukiitada, nafaqa daradda iyo xumadda, oo ah inta badan cadurrada dadka soo rita xiliyadan oo kale.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Dr Xusseen Cabdi Cilmi iyo Xildhibaan Farxiya Muumin oo ka hadlay munaasabad dawadaan lagula wareejinayay guddiga gurmadka ayaa ku amaanay Jaamacadda SIMAD sida ay mar walba uga qayb qaadato gurmadka masiibooyinka.

Dhakhaatiir iyo Xubno ku socday guddiga gurmadka Fatahaadaha ayaa ka qayb galay munaasabadda, iyaga oo dhiiri-galiyay isku tashi bulshada dhaxdeeda ah, taa oo looga maarmo karo in gacmo kale wax laga sugo.

Fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa saameyn ku yeeshay qoysas fara badan, iyadoo meesha ugu badan ee fataahada wabiga ka geystay ay tahay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo in ka badan boqol kun oo qoys ay ka barakaceen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]