4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 22, 2018
Weerar Ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay degmada Afgooye

 

Talaado, May, 22, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa sheegaya in goor dhaw weerar Ismiidamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Weerarka ismiidaamin ayaa lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateeen ciidan ka tirsan dowladda federaalka gaar ahaan kuwa ku jira xerada Bali-doogle ee loo yaqaano Bancraf-ta, waxaana qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Al-shabaab oo sheegtay weerarkan ayaa sheegtay in ay dileen ilaa 12 Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa uu tababaray Mareykanka ee fariisinkooda uu yahay Bali-Doogle.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khasaare ka dhashay qaraxa ismiidaamiinta oo ahaa mid aad u xooggan.

Gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa kaxeynayay ruux naftii hure ah oo beegsaday kolonyada ciidan.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha Amniga oo la xiriira weerarka Ismiidaaminta ah ee ka dhacay degmada Afgooye.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.... 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]shab