4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 22, 2018
Dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu dilay magaalada London

 

Talaado, May, 22, 2018 (HOL) -Cismaan Shidane oo 20 sano jir ahaa ayaa ku geeryooday Isbitaal ku yaala magaalada London saddex cisho kaddib markii dad aan la garaneynin dhowr jeer Toorey ku dhufteen isaga oo ku sugnaa waqtigaa dhisme laga tukaameysto oo lagu magacaabo RUISLIP.

Dillkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal 72saac ee la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah jidadka magaalada London , kuwaa oo loo adeegsaday Tooreey.

Nasteexo Shidane oo 17 sano jir ah waxaa ay ka mid tahay carruurta ay walaalaha ahaayeen Cismaan Shidane waxaa ay sheegtay in uu ahaa qof qoyskiisa taageera, wuxuu lahaa Xaas, iyada oo intaa raacisay in uu ahaa qof daryeel iyo naxariis badnaa.

Shidane waxaa uu ku dhashay dalka Denmerk laakiin waxaa uu ku noolaa magaalada London ee dalka Britain muddo ku dhan 15 sanadood.

Sidoo kale waxaa meydkiisa la helay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Jaamac oo 24 jir ahaa, kaa oo korkiisa lagu arkay dhaawacyada tooray dilkiisa loo adeegsaday.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale dhalinyaro Soomaaliyeed lagu bartilmaameesado qaar ka mid ah wadamadii ay haajireen, waxaana uu dilkan qeyb ka noqonayaa dilal dhowr ah oo marar kala duwan dhalinyaro Soomaaliyeed loogu geystay dalka Britain.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]