4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 22, 2018
Puntland oo soo saartay amarro la xiriira dhinaca Amniga

 

Talaado, May, 22, 2018 (HOL)–Guddiga Difaaca Puntland ayaa soo saaray amarro la xiriira isu socodka gaadiidka iyo dadka, kaddib kulan gaar ah oo ay yeesheen.

Saraakiisha Amaanka ayaa la faray in baraha kontoroolada aanay soo dhaafi karin dhammaan gaadiidka sida shidaalka ee ka imaanaya dhanka Garowe.

Waxaa sidoo kale amarkan lagu faray dadka shacabka ah in aysan gaadiidka yar-yar iyo kuwa waa weyn la aadi karin goobaha difaacyada ee ay ku sugan yihiin ciidamada.

Akhriso Qoraalka soo baxay guddiga Amniga:

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]