4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 22, 2018
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka oo digniin u diray Kim Jong-un

 

Talaado, May, 22, 2018 (HOL) – Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uga digay in uusan ciyaar la soo shir tagin haddii uu la kulmo madaxweyne Donald Trump bisha soo socota.

"Waxay noqon doontaa khaladwayn haddii Kim Jong-un ay la tahay in uu ku dheeldheeli karo Donald Trump," ayuu Pence ka yiri telefeshinka Fox News oo uu waraysi siinayay.

Pence ayaa sidoo kale sheegay in laga yaabo in Trump uu isaga baxo shirka loo ballansan yahay 12 Juunyo.

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku goodiday in ay isaga bixi doonto shirka kaddib hadal uu yiri John Bolton oo ah lataliyaha ammaanka qaranka.

Dalkaas ayaa aad uga carooday hadalkii Bolton ee ahaa "in la marin doono qaabkii" hubka looga dhigay Liibiya oo kale".

Mucamar Al Qadaafi ayaa reer Galbeedka ka ogolaaday in uu hubkiisa burburiyo 2003-dii isaga oo ku badashay in laga qaado cunaqabataynta. Siddeed sano ka dibna waxaa dilay jabhado ay reer galbeedku taageersanaayeen.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa qorshaynaya in uu kula kulmo Trump Washington DC Talaadada si ay uga wada hadlaan qorshaha shirka.

Pence ayaa sheegay "in aysan su'aal ka taagnayn" in Trump uu doonayo in uu isaga haro kulanka lagu ballansan yahay in uu Singapore ka dhaco.

"Uma malaynayo in madaxweyne Trump uu ka fikirayo hagaajinta sawirkiisa, balse uu ka fikirayo nabbadda" ayuu yiri madaxweyne ku xigeenku.

Wargayska New York Times ayaa Axaddii ku warramay in madaxweynaha Maraykanku uu lataliyeyaashiisa iyo kaaliyeyaashiisa waydiinayo in uu sii wado qorshaha uu uga qaybgalayo shirkaas iyo in kale.

Xigashada : BBC