4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 22, 2018
Soomalida Minnesota oo ka jawaabtay warbixin uu sii dayay Telefishinka FOX 9

 

Talaado, May, 22, 2018 (HOL) – Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota oo ka jawaabayay warbixin uu sii daayay Telefishinka FOX 9 oo uu ku weeraray Jaaliyadda iyo Hindise sharci oo ka mid ah xarumaha xanaanada caruurta iyo hanaanka xawilaadaha lacagaha ee Soomaalida ay leeyihiin ayaa waxa ay dibadbax ku qabteen aqalka sharci dejinta ee gobolka Minnesota.

TV-gan ayaa ku eedeeyay Soomaalida ku dhaqan Minnesota in ay maasuqaan lacagaha dowladda ay ku taageerto xarumaha xanaanada caruurta ee ay leeyihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed, islamarkaana lacagahaasi ay u diraan kooxaha argagixisada.

Hoggaamiyeyaasha bulshada Jaaliyadda ee Soomaalida ayaa eedahaasi waxay ku tilmaameen been abuur ay ka dambeeyaan kooxaha neceb muslimiinta iyo dadka aan cadaanka aheyn.

Cismaan Cabdi Maxamed ah madaxa urur ay ku bahoobeen xarumaha xannaannada ee Soomaalida waxaana uu sheegayi“Ujeedada waxaa weeye in ay fuliyaan sharciyo annaga lidi nagu ah, sharciyada lidka nagu ah waxaa ka mid ah in ay Soomaalida u muujiyaan in ay yihiin dad fasahaad wada, iyo in bulshada ay u isticmaalaan hadafkooda siyaasadeed.

Dibadbaxayaasha ayaa u muuqda kuwa doonaya in ay helaan cadaalad, islamarkaana aan la jarin lacagaha ay dowladda ku bixiso xarumaha xanaanada caruurta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]