4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 22, 2018
Howlgal dad lagu soo qabqatay oo laga sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

 

Talaado, May, 22, 2018 (HOL) – Howlgalkan ayaa ka danbeeyay kaddib Qarax miino oo fiidnimadii xalay ka dhacay inta u dhaxeysa Ex Koontarool Afgooye iyo xaafadda Haanta-Dheer, kaasoo sababay dhimashada Labo ruux oo shacab ah.

Qaraxan miino ee dadka badan loo soo xiray ayaa lagu bartilmaameedsay gaari Cabdi Bille ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya, hasse ahaatee lama sheegin wax khasaare ah oo ciidamada ka soo gaaray Qaraxa.

Howlgalkan oo ay ciidamadu xalay sameeyeen saqdii dhexe ayaa lagu soo qabqabtay dad u badnaa dhalinyaro, kuwaa oo loo gudbiyay xarumaha baarista, waxaana ay hay’addaha amnigu sheegeen in la sii deyn doono cid kasta oo aan danbi laheyn.

Al-shabaab ayaa inta badan waxa ay weeraro iyo Qaraxyo ka geystaan fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, balse ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]