4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 21, 2018
Wabiga oo ku Fatahay Buundada degmada Buula-burte

 

Isniin, May, 21, 2018 (HOL)– Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle bilaabay in uu karkaarada jabsado, isaga oo biyo badan dibeda u soo saaray kuwaa ka sare maray Buundada degmada.

Dadka ku dhaqan degmada ayaa hadda wajahaya fatahaad iyo daadad ka dhasha Wabiga Shabeelle oo buux –dhaafay, hasse ahaatee ilaa iyo hadda lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay fatahaadan degmada Buula-burte.

Jidadka gala degmada ayaa markii horeba iska ahaa kuwo xiran oo ay go’doomiyeen xoogagga Al-shabaab, halka Buundadu u aheyd bulshada reer Buula-burte marin muhiim ah oo u sahlayay isku xirka qeybaha kale ee gobolka iyo guud ahaan dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]