4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 21, 2018
Gobolka Shabeellaha Hoose oo guddoomiye cusub yeeshay

 

Isniin, May, 21, 2018 (HOL)–Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Shabeellaha Hoose, isaga oo magaaabay guddoomiye cusub.

Wareegto ka soo baxay xafiiska looga arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in xilka guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose xilkii laga qaaday Ibraahim Aadan Cali Najax, waxaana xilka guddoomiyaha gobolka loo magacaabay Maxamed Ibraahim Barre.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday Ibraahim Nayax ayaa la sheegay in loo magacaabay Wasiiru-dowlaha madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah gobollada ugu baaxda weyn dalka Soomaaliya, waana gobol caan ku ah dhul-beereedka iyo dhaqashada xoolaha, inkastoo dhinaca kale la oran karo waa gobolka ugu badan oo ay ka dhacaan dagaallada qabaa’ilka ku saleysan iyo weerarrada Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]