4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2018
Wasiir Cawad “ Ma jiro wax wada hadal ah oo aan Kenya ka leenahay dacwada Badda

 

Axad, May, 20, 2018 (HOL)–Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka soo yeerey dowladda Kenya oo sheegtay in ay Soomaaliya la leeyihiin wada xaajood la xiriira arinta Badda.

Wuxuu sheegay in uusan jirin wada hadal rasmi ah oo Kenya iyo Soomaaliya ay ka yeesheen oo ah wado aan aheyn Maxkamadda Hague in lagu xaliyo muranka xuduuda Badda ee labada dal ka dhaxeeya.

“Kiiska dacwadda Badda ee inaga dhexeeya Kenya, waxaa uu inoo joogaa maxkamadda caalamiga ah ee Hegue, waxaan idiin xaqiijinayaa inaanu jirin wax intaas ka baddalan oo Kenya na dhex maray, inagoo ixtiraamayna darisnimada naga dhaxaysa” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Hadalka Wasiir Cawad ayaa ka jawaabaya hadal horay uga soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma oo sheegtay in ay jiraan wadahal ay madaxda Soomaaliya kala yeesheen arrimaha muranka Badda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]