4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2018
In ka badan 15 ruux oo ku dhimatay roobab dabeylo wata oo ka da’ay gobolka Awdal

 

Axad, May, 20, 2018 (HOL) -Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in ay dhinteen 15 ruux kaddib roobab wata dabeylo xooggan oo saacadihii ugu danbeeyay ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka.

Dadka dhintay ayuu sheegay guddoomiyaha in intooda badan ay ku sugnaayeen deegaannada Lughaya iyo Baki oo ka wada tirsan isla gobolka Awdal.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay marka laga soo tago dhimashada dadka in daadad ka dhashay roobabka da’aya la tageen beero badan saracoodii iyo agabkiiba, waxaana sidoo kale jira warar sheegaya in ay jiraan xoolo badan oo la’day roobabka da’aya iyo duufaanta.

Waxaa soconaya gurmad ay wadaan Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo haatan la bilaabay in gargaar la gaarsiiyay dadweynaha khasaaruhu ka soo gaaray roobabka iyo daadadka.

Roobabka ayaa sidoo kale laga soo sheegaya in ay wax yeelo ka geysteen deegaanno ka tirsan Puntland oo ay ku dileen dad iyo xoolaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]