4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2018
Ardeyda dugsiyada dhexe ee Jubbaland oo u fariistay imtixaanaadka shahaadiga ah


Axad, May, 20, 2018 (HOL)-Ardeyda wax ka barata dugsiyada dhexe ee Jubbaland ayaa maanta u fariistay imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad, ayadoo imtixaanaadka ay sanadkan markii ugu horeeysay qaadeeyso wasaaradda waxbarashada Jubbaland.

Wasaaradda ayaa 13  xarumood oo ku yaal degmooyinka Jubbaland u asteeysay in lagu qaado imtixaanaadka, waxaana ardeyda iskuulaadka Kismaayo ay maanta imtixaanka ku galeen dugsiga hoose/dhexe iyo sare ee Axmed Bin Xambal.

Guud ahaan degmooyinka xorta ah ee Jubbaland waxaa sanadkan imtixaanaadka dugsiyada dhexe u fariisanaya ardey gaareeysa ilaa 1,600.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Jubbaland Mudane Max’ed Ibraahim Max’uud iyo kuxigeenkiisa Mudane Axmed C/risaaq Max’ed ayaa maanta kormeeray ardeydii u fariisaneeysay imtixaanaadka.

Wasiirka ayaa ardeyda ku dhiirigeliyay in ay aqoontooda kaashadaan islamarkaana si wanaagsan oo anshax leh u galaan Imtixaanka.

Waxa uu xusay in ay farxad u tahay in markii ugu horeeysay tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii  dowladdii hore ee dalka ay imtixaanaadka dowladda qaado, taa oo uu ku tilmaamay tallaabo hore loo qaaday.

Dhinaca kale, Magaalada Kismaayo iyo guud ahaan degmooyinka ay gacanta ku heeyso dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa shalay si rasmi ah looga daahfuray imtixaanaadka dugsiyada sare  oo ay qaadeeyso wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.