4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 20, 2018
Magaaladda Berbera iyo Bullaxaar oo dad badani ka qaxeen guryahoodii Roobabka ka da’aya awgeed

 

Axad, May, 20, 2018 (HOL) – Magaalooyinka Xeebaha ee Berbera iyo Bullaxaar ayaa la sheegayaa inay biyo badan buux dhaafiyeen magaalooyinka dhexdooda, kuwasi oo galifay inay dadkii ka qaxaan guryahooddii.

Magaalada Berbera hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii uu guri ku soo dumay, sidoo kale in ka badan sagaal boqol oo qof ayuu barakiciyey oo ka qaxay guryahoodii kaddib markii daadad ugu soo galeen guryaha, kuwaas oo aan haysan cunto iyo dhar ay dhaxanta ka xidhaan.

Berbera xaafaddaha qaar ayaa baddiiina ku soo jabtay roobkii cirka ka da’ayeyna buux dhaafiyey guryahoodii, kuwaas oo gurmad u baahan, inkastoo maamulka gobolku sheegeen inay dadkii ka daad gureeyeen goobihii biyuhu ku soo tafaheen.

Magaaladad Bullaxaar iyo Ceel sheekh ayaa la sheegay inay go’doonsan yihiin ka dib markiii daadad faro badan gooyeen jidadkii loo marayey, isla markaana dadkii deganaa ku soo urureen masaajid meel sare ku yaalla, waxaana wararku intaas ku darayaan in biyo badan ku soo jabeen magaaladda, taas oo dadkii caruurtii uun kala baxay balse wixii raashin ah iyo dhar ahba ka yaaceen, dadkaasi oo u baahan in loo gurmado madaama oo hal meel iskugu soo urureen, wallow jidkii loo marayeyna xidhan yahay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.