4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2018
Dib u dhac ku yimid maanta Imtixaankii dowladda ee Dugsiyada sare

 

Axad, May, 20, 2018 (HOL) – Wasaaradda Waxbarashada ayaa goor dhaw shaacisay in uu dib u dhacay maanta Imtixaankii shaadiga ee dugsiyada sare oo maalintii shalay la daah furay sababo la xiriira roobab ka da’aya magaalada Muqdisho.

Dhamaan Macalimiinta, Kormeerayaasha iyo Ardeyda ka qeybgaleysa Imtixaanka ayaa lagu war-galiyay in maanta uu dib u dhac ku yimid qaadista Imtixaanka madaama isku socodka magaalada uu saameyn ku yeeshay roobka da’aya.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa maalintii shalay daah furay Imtixaanka oo ay qeyb-qaadanayaa guud ahaan dalka marka la eego 27, 600 oo ardey Soomaaliyeed.

Imtixaanka ardeyda dugsiyada sare ee magaalada Beledweyne ayaa dib loo dhigay kaddib fatahaadii ku dhufaty magaalada, hasse ahaatee wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay in waqtiga kasta oo ay suurtagal tahay in Imtixaankaasi la qaadi karo sida ugu dhaqsiyaha badan u qaban doonaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]