4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2018
Abiy Ahmed oo ku guuleystay sii deeynta maxaabiis Itoobiyaan ah oo ku xirnaa Saudi Arabia

 

Axad, May, 20, 2018 (HOL) –Boqortooyada Saudi Arabia ayaa aqbashay sii deeynta in ka badan 1000 Maxabiis ah oo u dhashay dalka Itoobiya Sabtidii shalay, kaddib booqasho labo cisho ah oo uu dalkaa ku tagay ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed.

Abiy ayaa Sacuudiga ku jooga booqasho labo cisho ah isaga oo kala hadlaya mas’uuliyiinta dalkaa xiriirka labada dowladood Itoobiya iyo Sacuudiga.

Dadka Itoobiyaan ah ayaa si la mid dadka kale ee ka soo jeeda Qaarada Africa waxaa ay u tagaan dalkaasi Sacuudiga in ay ka xoogsadaan, hasse ahaatee Boqortooyada ayaa inta badan xabsiga dhigta dadka iyagu aan sharciyada heysan ee ku soo gala dallkaasi sida dhuumaaleysiga ah.

Sanadihii u danbeeyayna waxaa lagu sooo waramayaa in xukuumadda Sacuudiga ay adkaysay helidda warqadaha ogolaanshiyaha shaqada.

Sanadkii aanu soo dhaafnay 5000 oo qof ayaa Itoobiya dib ugu soo laabtay ka dib cafis loo fidiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]