4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 19, 2018
AMISOM iyo Jubbaland oo iska kaashanaya tayeynta ciidamada Booliska ah
Sabti, May, 19, 2018 (HOL) – Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda amniga Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka qeybgalay saraakiil ka socotay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saarayay sidii la isaga kaashan lahaa tayeynta ciidamada Booliska Jubbaland.

Kulanka oo ay warbaahintu dibad-joog ka ahayd ayaa markii uu soo idlaaday waxaa ka warbixiyay wasiirka wasaaradda amniga Jubbaland Mudane C/rashiid Xasan C/nuur isagoo sheegay in saraakiisha AMISOM ay kala hadleen arimo ku saabsan dhismaha ciidamada Booliska Jubbaland.

Wasiirka ayaa xusay in dowlad goboleedka Jubbaland ay wado qorshe ciidamada Booliska ah lagu geeynayo guud ahaan degmooyinka xorta ah ee Jubbaland, airntaa oo uu sheegay in ay wax badan ka tari doonto sugidda nabadgelyada.

Saraakiisha AMISOM ayuu xusay in ay ballan qaadeen in ay kaalintooda ka qaadan doonaan, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo farsamooyinka kale ee muhiimka ah, taa oo uu xusay in ay u sheegeen in waajibaadka ay Soomaaliya u joogaan ay qeyb ka tahay.

Inkastoo marar badan magaalada Kismaayo tababarro loogu soo xiray ciidamo Boolis ah, hadana inta badan degmooyinka xorta ah ee Jubbaland kama howlgalaan ciidamo Boolis ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.