4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2018
Waare“ Qorshe ayaan ka leenahay arrimaha la xiriira fatahaadda magaalada Beledweyne

 


Sabti, May, 19, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Hiiraan Online ayaa ka warbixiyay xaalada magaalada Beledweyne kaddib daadad xoog leh oo ku dhuftay iyo tallaabada ka maamul ahaa uga qorsheysan gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatadu saameysay.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in gargaarka iyo gurmadka loo fidinayo dadkii ku barakacay fatahaada ilaa iyo hadda si wanaaagsan loo wado, isaga oo intaa ku daray in ku dhawaad 30. 000 oo qoys loo qeybiyay raashin iyo agabyo kale oo muhiim ah.

‘’Hadda baahi –weyn oo ay dadku qabaan ma jirto, kaliya waxa aan ka fikireyno waa sidii loo hagaajin lahaa nadaafadda iyo ka hortaga cudurro ka dhalan kara saameynta ay reebaan daadadka ayuu yiri’’ Waare.

Waxaa uu sheegay in ku dhawaad 40% dadka danyarta ah aysan heysan wax ay cunnaan madaama markii horeba ay iska ahaayeen dad xooggood ku nool ah, sidaa daraadeed maamulku ku dadaali doono in wax badan dadkaasi la kaalmeeyo.

‘’Dadku waxey u baahan yihiin in ay hellaan biyo nadiif ah oo ay cabaan, waayo magaalada biyo malaha, biyaha hadda la heli karana ma’aha kuwo nadiif ah, sidaa daraadeed qorshaheenna ugu soo horeeya waa in la helo biyo nadiif ah, si looga fogaado cudurro ka dhalan kara wasaqda sida shuban-biyoodka oo kale ‘’ ayuu yiri madaxweyne.

Waare ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan jirin sharuud ay ku xirayaan cid kasta oo dooneyso in ay kaalmeyso dadka dhibaateysan, haddii ay ahaan lahaayeen hay’addaha samafalka, Jaaliyada iyo shirkaddaha gaarka loo leeyahay intaba.

‘’Annaga wax yaabaha aan ku guuleysanay ayaa ah in aan wax sharuud ah ku xirin cid kasta oo dooneysa in ay kaalmeyso dadkaa dhibaateysan, sidii ay doonaan ayeey gurmadka uga qeybqaadan karaan iyaga oo u maraya hadba sida ay jecelin yihiin in ay dadkaa gurmad ku gaarsiiyaan'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mar uu ka jawaabayay su'aal aheyd in ay jiraan ganacsato laga yaabo in ay sare u qaadeen badeecada ay dadka ka iibinayaan iyaga uga faa’ideysanaya marxalada jirta ayuu yiri’’ Waa waxba kama jiraan arintaa, Annaga xitaa ganacsatada waxaan ku amarnay in aysan jirin karin raashin la keydiyo oo Bakhaarada leyska dhigto iyadoo waqtigu sidan u adag yahay’’ ayuu yiri madaxweyne Waare.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in la soo dhameystiray qorshe la doonayo in biyo xireen loogu sameeyo magaalada’’ Qorshe ayaan ka leenahay oo waliba soo dhamaaday in laga hortago biyaha mar walba ku fataha magaalada, waxaan sida ugu dhaqsiyaha badan uga howgali doonaa dhismaha biyo xirreenno’’ ayuu yiri madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Mar Hiiraan Online ay wax ka weydiisay buuqa iyo shakiga faraha badan ee waayadii ugu danbeeyay laga muujinayay lacagaha canshuuraadta ah ee ka soo xarooda gobolka Hiiraan ayuu ku jawaabay ‘’ Ma jirto lacag dadka laga qaado si qaldan loo istimaali karo, Annaga xisaabaadkeenna ama Accoun –tiga lagu shubo lacagaha waxaa si gaar ah u ilaaliy oo la soccda  hay’addo caalami ah oo intaa isha ku hayo, sidaa daraadeed ma jirto lacag lagu takri fali karo’’ ayuu yiri madaxweyne Waare.

Maamulka Hirshabeelle ayuu sheegay in uu wado dhismaha Garoon weyn oo casri ah oo leh dhabo Laami ah oo gaaraya 2km iyo bar  oo ay diyaaraduhu si toos ah uga degi karaan magaalada Beledweyne , si meesha looga saaro ayuu yiri caqabadaha mar walba ka taagan Garoonka.

Mar uu ka hadlayay shirkii Baydhabo ugu soo dhamaaday madaxda dowlad gobolleedyada ayuu sheegay in uusan aheyn shir lid ku ah dowladda federaalka, hasse ahaatee doonayaan oo kaliya madaxda dowlad gobolleedyada in la ilaaliyo sharciga iyo dastuurka oo dhigaya in dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada si wada jir ah uga wada hadlaan arrimaha masiirka dalka quseeya.

Wuxuu sheegay in maamulkiisa uu meel wanaagsan marinayo qorshaha la dagaalanka Al-shabaab, isaga oo si gaar ah amaan ugu jeediyay dadka deegaanka ee is abaabulay ee  dagaalka qeybta ka ah gaar ahaan xoogagga Macwiisleyda oo dagaal adag kula jira Al-shabaab.

Waare ayaa ugu danbeyntii u mahad celiyay hay’addaha samafalka, Jaaliyadaha iyo sharkaddaha ka qeybqaatay gurmadka dadka dhibaateysan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]