4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2018
Magaalada Qardho oo qeybo ka mid ah daadad ku fataheen

 

Sabti, May, 19, 2018 (HOL) – Roobab dabeylo wata oo saacadihii ugu danbeeyay ka da’ayay deegaanno ka tirsan Puntland ayaa lagu waramayaa in ay sababeen in daadad ku soo rogmadaan qeybo ka mid ah magaalada Qardho ee gobolka Karkaar..

Maamulka gobolleedka Puntland oo horay digniinno uga soo saaray dableylahan iyo roobabka wada socda, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gurman doono dadka ay daadaadku saameeyeen ee ku dhaqan magaalada Qardho.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii ay labo ruux ay ku dhinteen biyo qaada gaarigii ay la socdeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Hay’addaha Qaramada Midoobey ayaa horay kaga digay Dufaano xoog leh oo kusoo wajahan degaanada maamulada Somaliland iyo Puntland.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]