Cabdiwali Gaas oo booqday Askartii ku dhaawacantay dagaalkii Tuka-Raq
Jicmo, May, 18, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka
Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isbitaalka Garoowe ku booqdey Askartii ku
dhaawacantay dagaalkii Tukaraq.
Waxaa Gaas booqashadiisa ku wehlinayay Wasiirka
Wasaaradda maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wasiirka Wasaaradda
Ganacsiga, Wasiiru dowlaha Wasaardda Duulista iyo Hawada iyo saraakiil ka
tirsan Madaxtooyada Puntland.
Dhaawaca ciidamada Puntland ee madaxweyne Gaas uu ku booqdey isbitaalka ayaa waxaa ay ahaayeen Askartii ka qeybqaadatay
iska hor imaadkii dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland.
Waxaa uu ku booriyay ciidamada in ay ogadaan sida
uu hadalka u dhigay in ay difaacayeen dhulkeeda, islamarahaantaana waxaa uu
madaxweynu ku wargeliyey inay ku taagan yihiin wadada xaqa ah, difaafacayaana
dadkooda iyo dalkooda.
Madaxweyne Gaas ayaa maalintii shalay ku goodiyay
in uu sii socon doono dagaalka gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Tuka Raq ee u
dhaxeeya iyaga iyo Soomaaliland.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]