Isku socodkii dadka iyo gadiidka Muqdisho oo dib u soo noqday
Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) –Waxaa dib u bilaawday isku socodkii
dadka iyo gadiidka qeybo ka mid ah jidadka halbowlaha u ah magaalada Muqdisho,
kaddib markii ay saakay bulshadu ku waabariisatay jidadka oo gabi ahaanba
xiran.
Ciidamo isugu jira kuwa Militariga, Booliiska iyo
Nabad-sugida ayaa xalay la dhigay qeybo ka mid Isgoysyada ugu muhiimsan
caasimada kuwaa oo siweyn ula socday
dhaqdhaqaaqa iyo nabad-galyada guud ahaan magaalada.
Foojignaanta ciidamada ayaa lala xiriirinayay kulan
maanta la filayay in xarunta Golaha Shacabka ay ku yeeshaan xildhibaannada
Baarlamaanka, hasse ahaatee u baaqday codsi ka yimid madaxweynaha dowladda
Soomaaliya.
Markii uu soo baxay warka ku saabsan in dib loo dhigay
kulankii xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa la arkayay qeybo ka mid ah
magaalada gaar ahaan jidadka ugu muhiisan oo loo fasaxayo in dadka iyo gadiidku
isticmaali karaan.
Dadweynaha reer Muqdisho ayaa xaley-ba ku sii talagalay in
maanta magaaladu kala xirnaan doonto, iyadoo qof walba uu qorshihiisu ahaa in
uu bal si dhaw ula socdo waxa ka soo yeeri doona xarunta Golaha Shacabka marka
ay isugu tagaan xildhibaannada.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]