4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 31, 2018
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay xiisada siyaasadeed ee Golaha Shacabka

 

Sabti, Maarso, 31, 2018 (HOL) –Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa labaduba ka hadlay xiisada siyaasadeed ka dhax-taagan xildhibaannada Golaha Shacabka.

Madaxweyniyihii hore Xassan Sheekh Max’muud ayaa Qoraal ku uu soo saaray ku yiri :

Dhawaanahaan waxaa soo ifbaxayay kala aragti duwanaan ka dhex jirta hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Kala aragti duwanaashaha oo salka ku haayso Mooshin laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka.

Ma aha markii ugu horreysay ee mooshin la hor keeno golaha ha ahaado mid laga keenay guddoomiye ama waaiirka kowaad ee xukuumadda.

Arrimaha mooshinnadii hore waxay leeyihiin laba cashar oo laga bartay. Kuwaas oo muhiim u ah inaan mar kale lagu dhicin qaladdaad horay loo soo maray, Labada cashar waxay kala yihiin:

1. Mar kasta oo xalka laga doono DASTUURKA KMG IYO SHURUUCDA / HABRAACYADA KALE EE HESHIISKA LAGU YAHAY,DHEXDOODA guul ayuu ku soo dhammaa jirtay kala duwanaanshahii jiray markaas, waxaana laga badbaadi jiray burbur dowladnimo.

2. Mar kasta oo la hareer maro Dastuurka iyo xeerarka kale ee jira, waxaa la dhaxli jiray NUSQAAN dowladnimo oo sababta in inta badan talada ka Baxdo gacanta Soomaalida.

Haddaba anoo ah oday Soomaaliyeed, horayna u soo qabtay hoggaanka dalka,laxa jeclo badanne ka hayso degganaantiisa waxaan soo jeedinayaa:

1. In la muujiyo dulqaad iyo tanaasul iyadoo loo tanasulayo danta dalka, wadaxaajoodna lagu dhammeyo aragti kala duwanaanshaha jira. Walina waa jirtaa fursaddaas ee yaaney luminin waa fursad qaali ah oo haddii ay na dhaafto ay adag tahay iney mar kale noo soo noqoto. BALAAYO GEESA LA QABTO AYEY LEEDAHAY EE SEYN LA QABTO MA LEH.

2. Haddi ay dhici weydo taas mana rajeynayo iney dhici weydo e, waxaa habboon in loo hoggaansamo dastuurka iyo shuruucda kale ee horay loogu heshiiyay iyada oo qilaaf aanuu taagneyn.

Waqtigaan oo kale waxaa habboon in QABKA QOFNIMO IYO KAN KOOXNIMOBA hoos loo dhigo si looga badbaado dhibato laga baaji karo.

Ugu dambeyntii madaxda dalka waxaan leeyahay yaan la dayacin mas’uuliyaddii loo dhaartay ee halla qaato xikmadda ah – RAG ISKA DHICIS IYO RABBI KA CABSI MEEL ISLAMA GALAAN.

Rag iska dhiciska ha la iska daayo ee rabbi ka cabsiga halla qaato, dalka iyo dowladnimadana halloo turo

Madaxweynihii Shariif Sheekh Axmed ayaa Qoraal kooban ku yiri :

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan madaxda qaranka in gacmaha la isku qabsado sidii dalka loo badbaadin lahaa, lagana fogaado Khilaaf kasta oo horseedi kara in aan gacmaheenna ku burburinno geedi socodkii loogu jiray dowladnimada Soomaaliya, iyada oo maanka lagu hayo dadaalkii dheeraa ee naf iyo maal lahaa ee loo soo maray in dib loo yagleelo dowladnimada.

Waxaan ka digayaa go’aan kasta oo si khaldan looga gaaro khilaafka maanta u dhaxeeya madaxda qaranka, aniga oo ku talinaya in madaxdu ka fiirsato oo ay muujiso mas’uuliyad dheeri ah, taasi oo saameyn ku yeelan karta masiirka dalka.

Haddii isfahan lagu xalin waayo khilaafka taagan waxaan aaminsanahay in lagu kala baxo dastuurka dalka ee noo qoran aduunkuna noo aqoonsan yahay, iyada oo la ilaalinayo xasiloonida iyo sharafta qaranimadeenna.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]