4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 23, 2018
Sacuudiga iyo Imaaraadka oo si adag u cambaareeyay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho

 

Jimco, Maarso, 23, 2018 (HOL) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si adag u cambaareysay Qaraxii maalintii shalay ka dhacay Hotelka Wehliye ee magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa waaxaa tacsi loogu diray dhammaan ehelada dadkii ku naf waayay qaraxaasi, wuxuuna Sacuudigu sheegay inuu xoojinayo taageerada dowladda Soomaaliya, gacana uu ka geysanayo dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab.

Waxaa sidoo kale Qaraxan cambaareeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta ayaa si xoogan u cambaareysay qaraxan, wuxuuna Imaaraadka dadkii dhintay Alle uga baryay inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo, isaga oo caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka dhaawacmay.

Sidoo kale Imaaraadka ayaa sheegay in Al-shabaab aysan marna dooneyn in ay noolaadaan shacabka Soomaaliyeed, taas bedelkeeda ayuu wadamada Beesha Caalamka ka dalbaday in la kordhiyo taageerada la siinayo Soomaaliya.

War Al-shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyadda weerarkan, waxayna ay Al-shabaab sheegeen in ay beegsadeen saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda Federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]