4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 23, 2018
Dagaal ganacsi oo ka dhax bilaawday Shiinaha iyo Mareykanka

 

Jimco, Maarso, 23, 2018 (HOL) – Mareykanka ayaa u muuqda in uu gunta u galay dagaal ganacsi oo kala dhaxeeya waddanka labaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ee Shiinaha.

Shiinah ayaa sheegaya in canshuur dheeraad ah ku soo rogayaan khudaarta, khamriga iyo noocyaqa qaar ee biraha ee laga soo dhoofiyo Mareykanka waa haddii mareykanka uu qaado tallaabo taa la mid ah.

Madaxweyne Trump ayaa kal hore sheegay in canshuur dheeraad ah la saarayo waxyaabo badan oo dalkiisa looga soo dhoofiyo Shiinaha, waxa uuna durbaba saxiixay hindise tobanaan bilyan oo doolar oo canshuur ah looga qaadayo alaabaha ganacsiga ee Shiinaha ka imaanaya.

Madaxweyne Trump waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaaba la isugu dheeli tirayo ganacsiga caalamka oo uu sheegay in mareykanka uu ku dulman yahay, gaar ahaanna ganacsiga u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha.

Xildhibanaada Mareykanka ayaa u muuqda kuwa aan Trump ku raacsanayn go’aamada dhanka ganacsiga ah ee uu qaadanaya, waxaana Jeff Flake oo ah senetar ka tirsan xisbiga Trump ee Jamhuuriga uu BBC-da u sheegay in Trump uu hayo waddo dhib badan.

Dhanka kale, midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay hadal ka soo yeeray Mareykanka oo ah in aanan canshuur dheeri ah lagu soo rogi doonin biraha iyo naxaasta mareykanka uga imaanaya Yurub iyo lix waddan oo kale, arrintaa oo kale hore muran dhalisay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]