Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) -Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo raray ayaa goor dhaw ka dhacay nawaaxiga hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa kaddib ayaa la maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya, oo agdhawan goobta, iyaga oo markii danbe xirey halka uu qaraxa ka dhacay.
Gadiidka gurmadka deg dega ayaa gaaray goobta, ilaa iyo haddana lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa.
Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]