4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2018
Cabdicasiis Xildhibaan : 11 bilood oo aan ahaa afhayeenka Wasaaradda Amniga wax mishaar ah kama qaadan dowladda

 

Axad, July, 08, 2018 (HOL)-Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa weerar afka ah ku qaaday mas’uuliyiinta dowladda iyo hay’addaha kala duwan ee Amniga, kaddib qaraxii maalintii shalay ka dhacay xarunta Otto Otto oo xarun ah Wasaaraddaha arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in gaadiid qarax sida ka gudbaan Koontaroolo aan la ogoleyn in ay ka gudbaan, Saraakiisha Dowladda  iyo Shacabka intaba.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in isla xisaabtan dhab uu yimaado, balse isla xisaabtanka aanu noqon mid afka ah, lana arko mas'uuliyiin shacabka hor-yimada oo is casilaya kaddib markii ay ku fashilmaan howlihii loo idmaday.

“ Sidey suur-tagal ku noqotay in Al-shabaab ugu fududaato uga gudbaan Kontoroolka, iyadoo la og yahay in Hooyada foosha haysa iyo Ardayda loo diido in ay waddadaa ka gudbaan ayuu yiri Cabdicasiis Xildhibaan.

Dhinaca kale, Afhayeen C/casiis Cali Ibraahim “Xildhibaan” waxaa uu sheegay in uusan Dowladda wax mushaar ah ka qaadanin 11 Bilood ee uu afhayenka Wasaaradda Amniga ahaa  islaarkaana Ubadkiiisa ay biisho  Boqoradda Ingiriiska sida uu hadalka u dhigay.

“Siyaasi danno gaar ah leh in la dhegeysto, loona sacab-tumo Ballanqaadyadda beenta ah ma'aha” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka ee xukuumadda Federalka Somaaliya.

Wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay in uu naftiisa u huro sida uu hadalka u dhigay sugidda Ammaanka dadka Soomaaliyeed, wuxuuna dhanka kale eedeeyey Siyaasiyiin uu ku sheegay in ay Tuugo yihiin in aysan waxba qabanin oo ay Boorsooyin waa weyn buuxsadaan, waa sida uu hadalka u dhigay Cabdicasiis xildhibaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]