4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2018
Hogaamiyaasha Itoobiya iyo Eritrea oo Kulan ku yeeshay Asmara

 

Axad, July, 08, 2018 (HOL) - Hogaamiyaasha dowladdaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa maanta kulan taariikhi ah ku yeeshay magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea, si ay u soo gaba gabeeyaan mid ka mid ah colaadihii ugu qaraaraa ee soo mara Africa.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka Asmara Ra’iuslwasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed, kadibna u sii kaxeeyay qasriga madaxtooyada.

Kulanka hogaamiyaasha labadani waddan ku dhexmaray magaalada Asmara, ayaa ah kii ugu horreeyay oo si fool-ka-fool ah ay isu arkaan madax ka socota Ethiopia iyo Eretria tan iyo sannadki 2000, markaas oo ay Afwerki iyo Ra’isulwasaarihi hore ee Ethiopia Meles Zenawi saxiixeen heshiiskii Algeria ee soo gaba gabeynayay dagaalka labada wadan.

Ra’isulwasaare Abiy Ahmed ayaa tan iyo marki loo magacaabay xilka waxa uu Itoobiya ka waday dadaalo uu wax uga bedelayo siyaasadda gudah iyo dibadda ee dalkaasi.

Isha Warka VOA

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]