Somaliland oo ka hadashay jid gooyo lagu dilay taliye ka tirsan ciidanka degmadda Taleex
Sabti, July, 07, 2018 (HOL) - Wasiirka
horumarinta Biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in Puntland jidgooyo ku
dishay taliye ka tirsan ciidanka Somaliland ee degmada Taleex,isla markaana
dhaawac u gaysatay maayarkii degmadda Taleex.
Wasiirka waxa shirkajaraa’id ku wehelinayey
xildhibaano ka soo jeedda gobolka Sool, kuwaas oo ku hanjabay inay
talaabo jawaab u ah falkaasi dhacay samayn doonaan.
“Ciiidamo ka tirsan maamul goboleedka
Puntland waxay xalay habeen badhkii jid gooyo u galeen
maamulkii gobolka Xaasimo ee degmadda Taleex, waxay sameeyeen qorshe
badheedh ah oo ay ku khaarijinayaan madaxdaasi oo u socday hawlo bani’aadanimo
ah oo ay dadka deegaanka u qaybinayeen dawooyin iyo raashin, qaar ka mid ah
waxa si milgaha bani’aadanka ka baxsan loogu dilay goobta, waxa lagu
dilay falkaasi Gaashaanle Saleebaan Cabdi Caatiye oo ka mid ah
taliyeyaaasha guutooyinka degan Taleex.Waxa dhaaac xun la soo gadhsiiyey
maayarkii degmadda Taleex, waxa xabad lala baacsanayey baadhasaabkii gobolka oo
weftiga la socday, waanu garanayna dadka waxaasi sameeyey ee hadhow yeyna
idinla fool xumaanin si degdeg ah ayaad jawaabteeda u heli doontaan”ayuu yidhi
Koore oo dilkaasi ka hadlayey.
Sidoo kale, xildhibaanada ayaa sheegay in
falkaasi dhacay aan loo dul qaadin Karin, isla markaana aanay hore u dhici
jirin in jidka la isku gallo oo dadka safar ku jira la iska dillo.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.