IMF oo dowladda Soomaaliya ka caawineysa tayeeynta adeegyada ay bixiso
Sabti, July, 07, 2018 (HOL) – Hay’adda Lacagta
Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo
kala duwan oo loogu tala galay in lagu tayeeyo Shaqaallaha iyo sidoo kale
Adeegyadda ay bixiso dowladda Soomaaliya.
Hay’adda IMF Waxa ay sheegtay in bilihii lasoo
dhaafay ay socdeen dadaallo ku aadan in Sare loo qaado hanaanka Maaliyadda
Soomaaliya sidoo kale la xoojiyo Khibradda Shaqaallaha ka shaqeeya maaliyadda.
IMF War kasoo baxay ayaa lagu bogaadiyay
dadaallada maaliyadda ee ay waddo dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale bixinta
mushaaraadka Shaqaallaha dowladda.
Waxaa sidoo kale Warka lagu sheegay in shaqaalle
ka tirsan Hay’adda IMF oo leh Khibrad dheeri ah in ay hadda wax ka waddaan
Mashaariicda loogu tala galay in lagu xoojiyo Maaliyadda Soomaaliya.
IMF Waxaa ay xustay in ay taageero Buuxda
dowladda Soomaaliya ka siinayso lacagta cusub ee dhawaan lasoo daabici
doona,taasoo oo wax badan ka badali doona hanaanka maaliyadda Soomaaliya.,
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]