4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 6 , 2018
Midowga Yurub : Imaaraadku ha ixtiraamo madax-bannaanida dhulleed iyo Qarannimada Soomaaliya

 

Jimco, July, 06, 2018 (HOL) – Baarlamaanka Midowga Yurub oo kulan yeeshay ayaa War uu ka soo saaray xaalada Soomaaliya, waxaa uu ku dalbaday in Soomaaliya laga daayo fara-galinta shisheeye ee lagu hayo.

Qaraarkan ayaa wax-yaabaha ku qornaa waxaa ka mid ahaa mowqifkii dhex-dhexaadnimo ee ay Somaaliya ka istaagtay xiisadda Khaliijka oo lagu sheegay uu dhaliyay in dalalka Imaaraadka iyo Sacuudigu ay joojiyeen lacagtii ay siin jireen Somaaliya iyagoo ku ciqaabaya go’aanka ay qaadatay.

Qaraarkan midowga Yurub ayaa si gaar ah diirada u saaray dhibaatooyinka ka jira gudaha dalka Soomaaliya sida amaan darrada, Arrimaha la xiriira kooxaha Argagixisada, Faqriga, Xad-gudubyada dhinaca Xuquuqda Aadanaha iyo waliba fara-galinta dowladdaha shisheeye gaar ahaan kuwa Khaliijka.

Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah wadamada Khaliijka in ay sii calwinayaan xaaladaha siyaasadeed ee markii horeba ka jiray gudaha dalka Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa sheegay in dalalkaa fara-galinta ku haya Soomaaliya ugu horeeyaan Imaaraadka iyo Sacuudiga oo isku dhinac ah iyo waliba dowladda Qatar oo dhinaca kale ah.

Gaar ahaa Baarlamaanka midowga Yurub ayaa ku eedeeyay dowladdaha Imaaaraadka iyo Sacuudiga iyaga oo adeegsanaya dhaqaale xoog leh in ay isku dayayaan in  Soomaaliya ka weeciyaan go’aankeedii dhax-dhaxaadnimada oo ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka.

Waxaa uu ugu baaqay Imaaraadka in ay joojiyaan falal kasta oo xasilooni-darro abuuri kara  sidoo kale-na ay ixitiraanto madaxbannaanida dhulleed iyo qaranniamada Somaaliya.

Dhinaca kale kooxaha Argagixisada marka la eego waxaa uu qaraarka midowga Yurub cambaareeyay dhamaanba weerarrada kooxaha argagixiso ee ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya, iyaga oo sheegay in aysan jirin sabab sharci ah oo Soomaaliya uga sii jiri karaan Ururradan.

Laakiin dhinaca kale qaraarkan ayaa ku cambaareeyay dowladda Soomaaliya xadgudubyo lagu sheegay in ay ku hayaan xoriyada hadalka oo ay geysanayaan Laamaha amaanka dowladda, gaar ahaan hay’adda NISA.

Qaraarka ayaa is dul taagay xariga iyo hanjabaadaha lagula kaco Siyaasiyiinta, Wariyayasha, iyo waliba ururrada bulshada rayidka ah waxaana arrimahan oo dhan ay ku sheegeen in ay yihiin kuwo aan la aqbali karin.

Dowladda ayaa uu danbeyntii loogu baaqay in ay xaiijiso in hay’addaha Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA tahay hay’ad amaan oo ku shaqeysa hab waafaqsan sharciga si loo adkeeyo xoriyada hadalka oo gundhig u ah hormarinta bulsho dimuquraadi ah oo xoog leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]