4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 5 , 2018
Wasiirka Wasaaradda amniga Jubbaland oo kulan looga hadlayay nabadgelyada la qaatay bulshada degmada Luuq
Khamiis, July, 05, 2018 (HOL) – Wasiirka wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur oo maalmihii u danbeeyay safar shaqo ku marayay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo, halkaa oo uu ka waday kulamo wadatashi ah oo ku saabsan amniga oo uu la yeelanayay qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta degmada Luuq kulan kula qaatay masuuliyiinta maamulka degmadaasi, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulankan oo dhinacyadii kasoo qeybgalay laga dhageysanayay aragtiyadooda ku aadan sugidda amniga guud ee gobolka, gaar ahaan degmada Luuq ayaa waxaa hadallo ka jeediyay qaar kamid ah odoyaashii dhaqan, haweenkii, dhalinyaradii iyo masuuliyiintii kale ee kasoo qeybgalay.

Wasiirka oo ay safarkiisa ku wehlinayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo, saraakiisha ciidamada daraawiishta iyo nabadsugidda Jubbaland iyo madaxda maamullada degmooyinka Doolow iyo Baladxaawo ayaa bulshada deegaanka ku booriyay in ay muujiyaan kaalinta ay ku leeyihin sugidda nabadgelyada.

Wasiirka ayaa sheegay in muhiimadda kulamada ay la yeelanayaan bulshada ay tahay sidii loo dajin lahaa hannaan ay ku wada shaqeeyaan laamaha ammaanka iyo shacabka, islamarkaana ay isku kaashan lahaayeen.

Wafdiga wasiirka oo kasoo kicitimay degmada Doolow ayaa safar dhulka ah kusoo maray degmada Baladxaawo iyo deegaano dhowr ah oo hoostaga, wuxuuna dhawaan soo gaaray magaalada Luuq.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa wadda qorshe ballaaran oo la doonayo in Shabaab looga saaro qeybaha ay uga suganyihiin gobollada Jubooyinka, ayadoo shirkii ugu danbeeyay ee golaha amniga Jubbaland looga hadlayay sidii ay howlgallada isaga kaashan lahaayeen ciidamada xoogga dalka, kuwa Jubbaland iyo AMISOM.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.