4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 5 , 2018
Qalbi Dhagax oo lagu soo dhaweeyay magaalada Nairobi

 

Khamiis, July, 05, 2018 (HOL) – Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Jabhada ONLF in muddo ahna u xirnaa dowladda Itoobiya ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaddib markii dhawaan la sii daayay.

Siyaasiga C/kariin (Qalbi-dhagax) oo Khamiistii ina dhaaftay laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, siyaasiga Faarax Macalin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sida lagu arkay muuqaalo iyo sawiro la soo geliyay baraha bulshada dadweynaha ka qeyb qaatay soo dhaweynta C/kariin ayaa waxaa ay wateen calanka Soomaaliya, Sawirka (Qalbi-dhagax) iyo boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay ku amaanayeen Qalbi-dhagax.

Waxaa uu ka mahad celiyay soo dhoweynta loo soo sameeyay, isagoo gacan qaaday dadweynihii soo dhoweeyay, wuxuuna xalay si gaar ah kulamo ula yeeshay xildhibaanada iyo siyaasiyiinta soo dhaweeyay.

Sii deynta C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa waxaa ka dambeeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed Ali, oo bilooyin kahor qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi.

Tan iyo markii uu talada dalka Itoobiya uu la wareegay Ra’iisul Wasaare Aby Ahmed Ali ayaa wuxuu la yimid siyaasad ku dhisan furfuran, wuxuuna sii daayay Kumanaan Maxaabiis ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]