Feysal Cali Waraabe oo faah faahin ka bixiyay wiil uu dhalay oo lagu dilay Suuriya
Axad, Janaayo, 14, 2018 (HOL ) –Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Soomaaliland Feysal Cali Waraabe ayaa
faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Wiil uu dhalay oo lagu dilay duqeyn ka
dhacday dalka Suuriya.
Sayid Xusseen ayaa ka tirsanaa Ururka ISIS ee ka dagaalama
dalka Suuriya isaga oo heysatay dhalashada dalka Finland, waxaana la sheegay in
uu la dhigtay koox kale oo saaxiibadii ahaa oo ay ka wada tirsanaayeen Daacish.
Wuxuu Suuuriya tagay sanadkii 2013-kii, kaddib markii la duufsaday
oo warbixin khalad ah la siiyey sida uu aabihii sheegay.
Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dhamaadkii sanadkii tagay ee 2017
lagu dilay gudaha dalka Suuriya isaga oo ka tirsan kooxda ISIS.
Waxaa la joogay halkaa xaaskiisa oo Finland ka raacday iyo laba
gabdhood oo ay dhashay oo iyagu soo xaqiijisay in uu ku dhintay weerarro
dhinaca cirka ah oo loo geystay goobta uu ku sugnaa.
Faysal waxaa uu sheegay in Wiilkiisa uu ka baxay Dalka
Finland halkaas oo uu ku dhashay,waxaana uu xusay in dowladda Finland ku wargeliyay
warka soo gaaray ee ku saabsan Wiilkiisa.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]