4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 20, 2018
Guddoomiye-yaal loo magacaabay degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

 

Khamiis, December, 20, 2018 (HOL)- Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilalkii looga qaaday guddoomiyayaashii degmooyinka Buula-burte iyo Jalalqsi ee gobolka Hiiraan, waxaana wareegtada lagu magacaabay guddoomiyayaal cusub.

Labo Wareegto oo ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa si rasmi waxaa xilka Gudoomiyaha Degmada Buuloburte loogu magacaabay Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi halka Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi loo Magacaabay Maxamed Nuur Cagajoof

Akhriso magacaabista guddoomiyayaasha cusub :

  

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]