Mareykanka oo Soomaaliya ugu deeqay $900 million dollar
Talaado, December, 18, 2018 (HOL)- Safiirka Mareykanka ee
Soomaaliya Donald Yamamoto oo maanta soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay
in Soomaaliya ay siin doonaan adduun gaaraya lacageed oo gaareya
$900 million oo lagu maalgelinayo Soomaaliya.
Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in
Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhanka, gargaarka bani’aadanimada,
dhismaha hey’adaha dowliga ah, waxbarashada, caafimaadka, garsoorka shaqo
abuurka, horumarinta dhaqaalaha, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya.
War saxaafadeedka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho
ayaa waxaa lagu yiri;
Kaalmada Mareykanka ee arrimaha bani’aadanimada Soomaaliya, $420 million oo
kamid ah 900 million ayaa lagu bixin doonaan arrimaha gargaarka
Soomaaliyeed.
Shaqo abuurka
Mareykanka ayaa sidoo kale xusay in ay u
abuuri doonaan in ka badan 1,600 oo shaqo muddo sadex sano gaar ahaan
ganacsiga, tusaale ahaan waxaa ay tilmaameen in horey u abuureen 500 shaqo iyo
650 shaqo xiliyeed ah, ayagoo sheegay in shirkadda caanaha ee Irmaan ee
Muqdisho ay siiyeen taageero maaliyadeed,oo u suurtagelisay in ay soo saaraan
3,500 Liter oo caano ah.
Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa
Mareykanku sheegey in la horumarin doono si shaqooyin badan loo u
abuuro.
Geedi socodka deen cafinta
Waxaa ay sheegeen in ay xooga saari doonaan geedi
socodka deen cafinta si Soomaaliya u soo jiidato maalgashiga iyo horumarin
dhaqaale.
Waxbarashada
Kaalmada cusub ee Mareykanka ee Soomaaliya
ayaa meelaha lagu bixin doono waxaa kamid ah; taageeridda waxbarashada
dugsiyada sare ee 160,000 oo dhalinyaro Soomaaliyeed iyo 20,000 oo ah
carruurta dugsiyada hoose ah oo 45% gabdho yihiin.
Maamulka iyo Xasilinta dalka
$110 million ayuu Mareykanka ku bixin doonaa
dhismaha dowlad wanaaga, xalinta khilaafaadka dib u habeynta arrimaha
garsoorka.
Labadii bishan ayaa dawladda Mareykanka si rasmi
ah u shaacisay in dib loo furey safaaradooda Soomaaliya, sidoo kale hey’adda
kaalamada dibadda ee Mareykanka USAID ayaa si toos ah uga shaqo bilowday dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]