4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2018
Faah faahin ku saabsan howlgal laga sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

 

Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Howlgal ay iska kaashadeen ciidamada Qaranka iyo kuwa Mareykanka oo ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu dilay 25-ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Howlgalkan oo dhacay 16-ka bishan December lagana fuliyay nawaaxiga deegaanka Gandershe ayaa lagu beegsaday xero ay degenaayeen Al-Shabaab, halkaas oo ay sida la sheegay ku diyaarin jireen weerarrada dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

“Dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah waxaa ka go’an in ay sii wadaan Dagaalka lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab oo Ku taagaan waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka.

Sidoo kale Milateriga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeymo ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ay ku dileyn xubno ka tirsan Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee marka lasoo gaabiyo magacooda loo yaqaano AFRICOM ayaa lagu sheegay in Sideed xubnood oo ka tirsan Shabaab lagu dilay duqeyn ay ka fuliyeen Shalay meel ku dhaw deegaanka Gendershe ee Gobolka Shabeelada Hoose

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeymahaasi aynan ku waxyeeloobin dad shacab ah, oo ay kaliya ku beegsadeyn xubnahaasi shabaab ka tirsanaa oo ay xogtooda heleyn, balse ma jiraan illo ka madax banaan oo xaqiijinaya sheegashadooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]