Shirkadaha SKA iyo TOYOTA oo maanta tababar usoo xirey Dhalinyaro bartay cilmiga Baabuurta
Axad, December, 16, 2018 (HOL)-Tababarkan oo soconayay mudo sideed bilood ah ayaa maanta magaalada muqdisho ee caasimada dalka waxaa loogu sooxirey sadax dhalinyaro Soomali ah oo soobartay cilmiga baabuurta.
Dhalin-yaradan somaliyeed ayaa mudada sideeda bilood tababarka ku baranayay cashiro kala duwan oo laxiriira gawaarida iyadoona maanta la gudoon siyay shahaado muujineysa cilmigii ay soo barteen.
Sadaxdan
dhalin-yarada ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in mudada uu tababarka u soconayay ay kusoobarteen cashiro laxiriira gawaarida islamarkaana ay uga faa'idey doonan dhalinta aan fursada u helin tababarada ceynkaan oo kala ah.
Maxamed Qaasim Ali " Waxaa farxad in oo ah inaa noqonay dhalin-yaradi ugu horeysay ee tababarkan soo qaato runtii Cilmi kala duwan ayaan ku soo baranay muddada uu inoo socday waana sii wadi doona barashada cilmigan gawaarida".
Ali Mohmed Xuseen" marka hore waxaan uga mahad celinaa cilmigan aan soo bartay shirkada SKA Group iyo macalinkii tababarka i siinayay mudada sideeda bilood ah, cilmigan aan soobartay waxaan uga faa'ideyn doona dhalinyarada asaakeyga ah ee aan fursadan hillin"
Yuusuf Ali Abdi " Mudo badan ayaan ku haminaye inaa cilmigan barto waana sii wadi doona barashadiisa,waxaana ugu mahad celinaa shirkada SKA Group oo inoo furtay
tababarka"
Petrus Francois oo ah macalinka bixinaya tababarkan socday mudada sideeda bilood ah ayaa Sheegay inuu siiwadi doono tabarsiinta dhalinyarada somaliyeed si loo helo dhalinyaro
Soomali ah oo aqoon buuxda u leh gawaarida.