Saddex Xisbi siyaasadeed oo Shahaadooyin la guddoonsiiyay
Axad, April, 08, 2018 (HOL)- Waxaa xarunta Guddiga
Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka lagu gudoonsiiyey Shahaadada
Xisbinnimo seddax Xisbi siyaasadeed oo soo buuxiyey sharuudaha ka mid noqoshada
xisbiyada siyaasadeed.
Furitaanka xafladda waxaa
hadalo soo dhaweyn iyo ujeedada kulanka ka soo jeediyey xubin ka mid ah Guddiga
oo lagu magacaabo Xuseen Cabdi Aadan ayaa hoosta ka Xariiqey in
kulanka maanta loo fadhiyo uusan aheyn kulankii ugu horeeyey balse kulan kan ka
horeeyey lagu gudoonsiiyey Todobo Xisbi siyaasadeed shahaadada aqoonsiga ku
meel-gaarka ah ee xisbinnimo.
Wuxuu kaloo sheegay
ujeedooyinka ugu waa weyn ee loo diiwaan-geliyey aqoonsigana loo siiyey
xisbiyada inay tahay, inay xafiisyo furtaan ayna raadsadaan taageero.wuxuu
kaloo kula dardaarmey Mudane Xuseen in Xisbiyada ay ka shaqeeyaan dimuqradiyada
iyo horseedka nabadda iyo xasilooni ay hesho Soomaaliya.
Xisbiyada la guddoonsiiyey Sahaadada
ku meel gaarka ah waxay kala yihiin, Xisbiga TIIR, Xisbiga WADAJIR iyo Xisbiga
SAMU.Waxaa kaloo jira xisbiyo kale oo weli ku jira diyaargarowga hubinta
sharciga ka mid noqoshada xisbiyda siyaasadeeda.
Dhinaca kale magaca Saddexda
Xisbi ee la guddoonsiiyey Shahaadada waxaa ku hadlay
Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Daahir Guutaale oo sheegay in
aysan ahayn shaqo fudud diiwaangelin lagu sameeyo xisbi u baahan
inuu noqdo xisbi sharciyeysan, wuxuu kaloo sheegay Kamaal inuu soo marey
xisbigiisa marxalado kala duwan oo ku qaadatey mudo 3 bilood ah, isagoona u
mahadceliyey guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka dadaal dheer ka
dib u suuragelilay inuu ka mid noqdey xisbiga uu madaxda ka yahay xisbiyada
helay sharciga ku meel gaar ah.
Kamaal ayaa caddeeyey in
aasaasida axsaab siyaasadeed ay ka dhigan tahay in laga gudbey marxaladihii
jabhadeynta iyo xagjirnimada.
Ugu dambeyn waxaa xaflada
hadlo dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira ka soo jeedisey Guddoomiyaha
Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismacil oo sheegtay in
aysan sahlaneyn in xisbi la diiwaangeliyo, uuna jirey caqabado badan oo lagala
kulmaayey intii lagu guda jirey diiwaangelinta xisbi walbo.
Waxaa ay xustay qodobka ah in Xisbi
walbo uu ku caddeeyo xaquuqda dadka laga tirada badan yahay iyo haweenka inay
ku soo koobi jireen %30, xafiiska Xisbiyadana uu ka diidi jirey, sababtoo ah,
hadii dadka laga tirada badan yahay ay la qeybsadaan Koontada %30 kii haweenka,
aysan suuragal noqon karin tirsadaan in ay
wada daboosho xaqii la rabay in ay wada helaan labadaasi qeybood ee haweenka
iyo dadka laga tirada badan yahay.
Gudoomiyaha ayaa sheegtay in
tirada la siiyey shahaadada ku meelgaarka ah ee xisbi ahaanshaha
inuu gaarey 10 xisbi, xisbiyo kalana ay weli lagu wado hubtintii xeerarkii iyo
sharciyadii uu ku heli lahaa shahaaadada.
Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa
ka codsatey xisbiyada inay kala shaqeeyaan sharciga doorashada iyo nooca
doorasho ee la doonaayo in dalka uu ka dhaqan galo sanadka 2020-ka.
Waxayna yidadiilo wanaagsan ka
muujisey gudoomiye Xaliimo Yareey in dalka ay ka dhici doonto doorasho hal cod
iyo hal qof ah 2020 ka, iyadoo cadeymo u soo qaadatey kulamo dad gaaraayo
60,000 Soomaali ah ay la soo yeesheen wadatashiyo ku aadan qabsoomida dooorasho
xor iyo xalaal ah, kuwaasoo ay ka heleen guddigu in baahi loo qabo in dalka ay
ka dhaco doorasho hal cod iyo hal qof ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]