4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 4 , 2018
Xiisada Baarlamaanka oo cirka isku sii shareertay iyo kulamo gooni gooni ah oo Muqdisho ka soconaya

 

Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)-Iyadoo ay muuqato maanta in uusan dhicin fadhiggii lagu ballasanaa xarunta Golaha Shacabka ee Mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaa dhinaca kale waxaa soconaya kulamo gooni gooni ah oo ay Muqdisho ku leeyihiin xildhibaannada iska soo horjeeda.

Kulankii Golaha Shacabka ee maanta ayaa ku soo dhamaaday fowdo iyo buuq kaddib markii xildhibaannada halkaa isugu tagay dhinac walba oo ka mid ah aysan u suurta-galin uu Ajandihiisa horgeeyo Golaha oo lagu arkayay ciidamo aad u hubeysan oo isugu jiray kuwa Amniga sugaya iyo ilaalada guddoonka Baarlamaanka.

Xildhibaannada qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa dhinac walba kan kale ku eedeeyay in ay qalqalgaliyeen Amaanka Golaha.

Warar ay heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya in xildhibaannada ka soo horjeeda Guddoomiyaha Golaha Shacabka isku uruursanayaan qabashada kulan sida hadalka loo dhigay ay xasaasanada ama kalsoonida kala noqonayaan Guddoomiye Jawaari oo ay ku eedeynayaan in uu ku tuntay jirintaan Baarlamaanka.

Laakiin dhinaca kale xildhibaannada diidan mooshinkan ayaa warbaahinta u sheegay in saakay la geeyay xarunta Golaha Shacabka ciidamadii ilaalada madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana wasaarrada Amniga u diiday in ay gudaha u gallaan fadhigga.

Meelaha qaar waxaa la leeyahay waxaa jiray jir dil iyo hantadaad lagula kacay qaar ka mid ah wariyayaashii halkaa u tagay in ay soo tabiyaan wararka ku saabsan kulanka Golaha Shacabka oo ciidamadu u adeegsanayeen hub iyo rasaas kor roodiyay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay mas’uuliyiiinta ugu sareysa dalka gaar ahaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriira xiisada Baarlamaanka.

Isku socodka dadka iyo gadiidka caasimada ayaa wali xaddidan oo maalaha qaar magaalada looma ogala in ay gadiidku isticmaalaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]