4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 4 , 2018
Maxaa ka socda gudaha xarunta Golaha Shacabka

 

Arbaco, Maarso, 04, 2018 (HOL) -Durbaba waxaa la maqlayaa buuq iyo sawaxan ay sameynayaan xildhibaannada iska soo horjeeda ee ku wada sugan xarunta Golaha Shacabka, kuwaa oo ku dhawaaqaya qaarkood erayo ay ku durayaan madaxda ugu sareysa dalka.

Xildhibaannada qaar ayaa ku qeylinaya erayo ka mid yihiin, Laaluusho ha dhaco, Jawaari guul iyo Erayo kale uu muuqda in durbaba fadhiga Golaha uu isku badaley buuq iyo fowdo.

Gudaha xarunta Golaha Shacabka waxaa ku sugan ciidamo Booliis ah oo ilaalinaya nabad-galyada, laakiin aan wax saameyn ah ku laheyn marka la eego is heysiga xildhibaannada dhaxdooda ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo labadiisa ku-xigeen ayaa tagay halkaa, iyadoo dhibaatada ugu weyn ay ka taagan tahay cida shir guddoomin doonta fadhiga.

Xildhibaannada qaar ayaa ku eedeynaya guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Jawaari in uu gudaha la soo galay ciidamo aad u hubeysan. 

Wariyayaasha ayaa dhamaan ku sugan ilinka hore ee xarunta Golaha Shacabka Hiiraan Online ayaa ka mid ah warbaahinta halkaa ku joogta in ay soo tabiso kulanka iyo waxa ka soo bixin doona.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]