Prof Jawaari : Madaxweynaha waa uu ku guuldareystay in uu dhax galo dhinacyada is khilaafsan
Arbaco, April, 04, 2018 (HOL) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan
Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa warbaahinta u sheegay in
madaxweynaha uu ku guuldareystay in uu dhaxdhaxaadiyo dhinacyada uu khilaafku u
dhaxeeyo ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Jawaari ayaa sheegay in halkii uu ka filayay madaxweynaha in uu arintan soo dhaxgalay qaab odeytimo
uu isaga ka dalbaday in uu is casilo, taasoo ah ayuu yiri arin gardaro ah.
‘’Madaxweynaha
waa uu ku guuldreystay in dhaxdhaxaadiyo dhinacyada is khilaafsan ee Golaha
Shacabka, waxey aheyd in sharciga la raaco ama arintan loo galo qaab odey-nimo
ah, laakiin ma fileyn in Anniga la ii soo jeediyo in is casilo ‘’ ayuu
yiri Prof Jawaari.
Madaxweynaha
dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay Prof Jawaari in uusan dhaxdhaaxaad ka aheyn
khilaafka u dhaxeeya labada dhinac, isaga oo sheegay in uu fasaxay qabashada
kulanka maalinta Berri ah, halkii loo baahnaa in uu ku soo afjaro khilaafka labada garab muddo 10 cisho ah.
‘’Bulshada Soomaaliyeed
waxaa ogeysiineynaa in madaxweynuhu uusan dhaxdhaxaad ka aheyn khilaafka
Baarlamaanka, isaga oo fasaxay in kulanka maalinta Berri ah uu dhaco, guud
ahaan shacabka Soomaaliyeed waxaa ku wargalineynaa in wixii cawaaqib ah oo ka
dhasha kulanka maalinta Berri ah uu qaadi doono mas’uuliyadeeda madaxweynaha
Soomaaliya.
Xukuumadda
Soomaaliya ayuu sheegay in ay gabtay waajibaadkeedii shaqo ee loo idmaday sidaa daraadeed loo
baahan yahay ayuu yiri in ay meesha ka baxdo.
“Waa qariib in Xukuumadda ay
dhahdo lama shaqeyn karno Guddoonka Baarlamaanka, inaan ayaga u shaqeeyo miyay
rabaan, waxaa rabaa in aan qeexo arrin dastuuri ah anaga uma joogno inaan u
shaqeyno Xukuumadda, wada shaqeyn ayaa naga dhaxeyso, aniga is casili maayo,
iyada ha is casisho”ayuu yiri guddoomiye Jawaari.
Guddoomiye Golaha Shacabka aya
kulanka maalinta Berri ah ku tilmaamay mid sharci darro ah.
Shirka jaraa’id ee guddoomiyaha ayaa muujinaya in
ay meesha baxday waan-waantii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhax waday dhinacyada iska soo horjeeda ee golaha
Shacabka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]