Soomaalidda Columbus oo dhaqaalo ugu deeqay isbitaalo laga dhisayo goboladda Sanaag iyo Cayn
Talaado, April, 03, 2018 (HOL)–Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada
Columbus Ohio ayaa sameeyay kulan dhaqaalo loogu aruurinayay Isbitaalo loo
dhisayo Hooyadda iyo Dhalaanka ee magaalooyinka Widhwidh iyo Awrboogays
ee goboladda Sanaag iyo Cayn.
Waxaa kulankan ka soo qeybgalay
qeybaha kala duwan ee bulshadda sida, Culumada, Ganacsatada, Aqoonyahanka,
Ardayda iyo qeybaha bulshada oo dhan, waxaana hadalo aad looga murgo iyo
xaalada ay ku suganyihiin hooyooyinka iyo caruurta magalooyinkaasi soo
bandhigay Gabdho Soomaaliyeed oo barnaamijkan Hormuud u ahaa.
Hooyada iyo dhalaanka ayaa ku sugan
xaalado aan indhaha laga qabsan karin oo caafimaad daro iyo daryeel la'aan
dhanka caafimadka ah gaar ahaan xiliga uurka iyo waqtiga dhalmada oo ay aad
murugsantahay xaalada hooyada oo aan biloowga uurka helin daryeel caafimaad
taas oo sababata in ay isku dhintaan ama ay dhimato kadib marka ay dhasho.
"Mahan wax indhaha laga
qabsankaro waa wax muddan in aanu iska kaashano sidii aanu dadkaasi u caawin
lahayn" ayay tiri Fowzia oo ah gabadha ururkeedu hurmuudka u yahay
howshan.
Waxaa muxaadaro ku aadan qiimaha
sadaqada ka soo jeediyay Sheekh aadan & Sheekh Horsed oo dhamaan dadka ku
booriyay in ay walaalohood ku sadaqeystaan isna garab taagaan.
Waxana biloowday dhaqaalo aruurin
markii danbe guul ku dhamaatay oo ay dadkii meesha ka soo qeybgalay ku deeqeen
dhaqaalo dhan 72,66 doolar.
Ururka Fowzia Foundation oo ah
ururka howshan wada ayaa horay dhaqaalo aruurin nocan ah uga sameeyay
magaalooyin kale oo ku yaal dalka Mareykanka halka ay kuwo kale u
balansanyihiin.
In la hirgaliyo labaddan Isbitaal
waxay qeyb ka qaadan doontaa in la bad baadiyo Hooyooyinka iyo Dhalaanka
Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinkaasi
Deeqo Shire (SONNA)