4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 2 , 2018
Koobkii Ciyaaraha Columbus 2018 oo shalay la soo gabagabeyey


Isniin, Apriil 2, 2018 (HOL)-Waxaa magaalada Columbus ee gobolka Ohio lagu soo gabagabeeyay ciyaarihii xagaaga oo Khamiistii hore uga bilowday dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka kala socotay qaar ka mid ah gobolada dalka  Mareykanka Iyo Canada iyo waliba dhalinyarada cuslaatay.

Ciyaarahaan oo ahaa Kubada Cagta ayaa la qabtay sanadkii 18aad oo ay ka dhacayeen magaaladan Columbus Ohio, ciyaartoyda kulmay ayaa waxey kala ahaayeen 16 Kooxood waxaana shalay finalka wada ciyaaray kooxaha Midnimo Minnesota iyo Halgan Minnesota.

Qaybtii hore ciyaarta  wax goolal ah layskama dhalin ,markii koox walba ay la soo tashadeen macalimiintooda ayaa ciyaar aad loo jeclaystay ay soo bandhigeen nadiijadii cyaarta ayaa ku soo gabagabooday 3 gool oo Halgan keensatay iyo 2 gool oo midnimo ay dhalisay, waxaa sanadkaan koobka qaatay kooxda  Halgan MN,

Dhalinyarada yaryar waxaa ku guulaystay Kooxda Columbus Youth halka kaalinta 2aad ay ka galeen dhalinyarada Jubba Atlanta.


Sanadkaan waxaa lagu casuumay tartankaan oo ka soo qaybgaly qaar ka mida ciyaartooyda waawayn ee dalkeenu lahaa sida Maxamed Ismail Siteey loo yaqaan oo ka yimi Ingiriiska iyo Mukhtaar Maxamed Axmed Cuti oo isaguna Toronto ka yimi.

Siyad Said Salah

Hiiraan Online