Wararkii ugu danbeeyay weerar culus oo lagu qaaday saldhiga AMISOM ee Buula-Mareer
Axad, April, 01, 2018 (HOL) – Ururka Al-shabaab
ayaa sheegtay in manta weerarro culus oo ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada
AMISOM ku lahaayeen gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degmada Buulo Mareer ku dileen 59 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM.
War ku lagu daabacay warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay dileen
tiro ka badan 59 askari oo u dhashay oo ka tirsan AMISOM halka dhinacooda ay sheegteen in ay ka dhinteen 14 dagaalayhan
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ay weerareen illaa lix saldhig oo ay
ciidamada AMISOM ku lahaayeen gobolka Sh/hoose gaar ahaan kuwa Uganda.
Weeraradan ayaa waxaa ay ka dhaceen Buulo Mareer,Golweyn,Danow,Marin Gubaay
iyo Qoryooley hasse yeeshee illaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo
baxay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladaba.
Al-Shabaab ayaa ku xooggan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoosee
waxaana weerarka ay maanta qaadeen ku soo beegmayaa xilli toddobaadyadii la soo
dhaafay ay dowlada federalka Soomaaliya ay sheegtay in ay dhamaystirtay qorshe
lagu weerarayo deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Saraakiisha Gobolka ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa
sheegay in uu dagaalkaasi dhacay, islamarkaana uu jiro khasaare ka dhashay,
laakiin ma aysan bixin faah faahin intaa dhaafsiisan
Laakiin dhinaca AMISOM wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay
saraakiishooda oo ka hadlaya sheegashada Al-shabaab.