Madaxweyne Muuse Biixi oo 24 qof u magacaabay xilal kala duwan
Axad, April, 01, 2018 (HOL)–Madaxweyne Muuse
Biixi Cabdi ayaa maanta magacaabay 24 masuul oo iskugu jiray kuwo cusub
iyo kuwii hore usii joogay oo uu dib u magacaabay.
Mas'uuliyiintan la magacaabay ayaa u badan
agaasimeyaal guud, waxaana markii hore xilka hayey masuuliyiintii hore ee la
shaqaynayey madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo.
Sidoo kale,waxa xilkii laga qaaday Badhasaabkii
gobolka Gabiley Maxamuud Saleebaan Ramaax oo noqday masuulkii ugu mudadda
gaabnaa ee xil laga qaaday, waxaana bishii Janaayo 29,2018-kii loo magacaabay
gudoomiyaha gobolka Gabiley, waxaanu xilka hayey muddo ku siman laba bilood.
24 qof ee xilalka kala duwan loo magacaabay ayaa
kala ah kuwan hoos ku qoran:
1. Cabdinaasir Axmed Xirsi Maxamed Agaasimaha Guud
ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
2. Cali Xuseen Nuur Beegsi Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
3. Dr. Axmed Cali Maax Warsame Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Horumarinta Beeraha
4. Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee
Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
5. Prof. Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray) Agaasimaha
Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
6. Xuseen Maxamuud Maxamed Xasan Agaasimaha Guud
Wasaaradda Cadaaladda
7. Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi Agaasimaha Guud
ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska
8. Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed Agaasimaha
Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta
9. Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta
10. Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case) Agaasimaha Guud
ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
11. Cabdirisaaq Jaamac Nuur Naakhuude Agaasimaha
Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyiga
12: Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Horumarinta Biyaha
13. Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil Bile
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
14. Cali Maxamed Cali Nuur Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
15. Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye Agaasimaha Guud
ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka
16. Axmed Muuse Muruud Muxumed Agaasimaha Guud ee
Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
17. Cabdikariim Xuseen Siciid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
18. Cabdillaahi Maxamed Xaaji Ducaale Safiirka
Somaliland u fadhiya Midowga Africa
19. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed (Indha-balac)
Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
20. Axmed Cismaan Xasan Cilmi (Tima-cadde)
Guddoomiyaha Gobolka Saaxil
21. Mustafe Cabdi Muuse Nuur Guddoomiyaha Gobolka
Buuhoodle
22. Khadar Baaruud Cumar Cabsiiye Guddoomiye
Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex
23. Maxamuud Ibraahin Axmed Ducaale (San-dheere) Guddoomiye
Ku-xigeenka Gobolka Saaxil
24. Faysal Aw Jaamac Xirsi Xawte(Ilka-case)
Guddoomiye Ku-xigeenka Hay'adda U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka
Raashinka Qaranka
Masuuliyiinta aan xilka ka qaaday waxaan uga
mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii
shaqo, muddadii ay xilka Qaranka hayeen.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland