4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 1 , 2018
Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay degan yihiin ciidamada AMISOM

 

Axad, April, 01, 2018 (HOL) – Wararka xiligan naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar culus oo ku bilaawday Qarax Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen deegaanka Buula-Mareer.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo xoogan loo maleynayo in ahaayeen ismiidaamin laga maqlay agagaarka saldhiga ciidamada AMISOM.

Al-Shabaab sheegtay in dagaal dhowr jiho ah lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee Buulo Mareer, isla markaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarka Al-Shabaab ku qaadeen saldhiggaas uu u eg yahay weeraro Al-Shabaab horay ugu qaadeen saldhigyada AMISOM oo ku bilowday qaraxyo baabuur iyo mid toos ah.

Ma jirto ilaa iyo hadda wax fah faahin ah oo ku aadan weerarkan lagu qaaday saldhigga Ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda ku leeyihiin Buulo Mareer.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]