Koobka Ciyaarahii Soomaalida ee Ohio oo labo koox isagu soo baxday Finel-ka
Axad, April, 01, 2018 (HOL)-Ciyaarahii Xagaaga ee ka socday Magaaladda Columbus ee
gobolka Ohio ayaa soo gaaray gabagabadii
,waxaa shalay wada ciyaaray kulamadii
Semi Finelka ahaa 4 Kooxood oo kala ahaa
Midnimo oo Minnesota ka timi iyo Washington DC , Halgan oo Minnesota ahna waxay
la ciyaartay kooxda Washington Seattle .
Ciyaartii hore waxaa wada ciyaaray Midnimo iyo Washington DC Ciyaartaan oo aad u xiiso
badneed ayaa waxaa guushii raacday Midnimo Minnesota oo 5 iyo 2 gool uga badisay kooxdii ka timi Magaaladda
Washington DC
.
Ciyaartii labaad ayaa iyaduna dhexmartay Halgan Minnesota
iyo Washington Seattle ciyaartaan oo aad u adkeed ayaa xiligii ugu badneed ee
ciyaartu labada kooxoodba waxay ahaayeen barbar dhac ,lakiin tobankii daqiiqo ee ugu danbeeyey ayaa kooxda Halgan
waxaa u suura gashay inay dhaliso 2 Gool waxayna ku soo dhamaatay ciyaartu 6
gool iyo 4 ay guushu ku raacday Halgan MN .
Waxaa maanta oo Axada ciyaarta gabagabada wada ciyaari doona
Midnimo MN iyo Kooxda ay isku magaalaadda yihiin ee Halgan waxaana Koobkan sanadkaan
uu aadi doona Minnesota sanadkii labaad sanadkii hore waxaa koobka ku
guulaystay Tiger MN .
Waxaa Ciyaaraahan sanadkaan ka soo qaybgalay qaar ka mida
ciyaartooydii hore ee barisamaadkii ka ciyaari jiray dalka Soomaaliya ,waxaana
sanadkaan markii ugu horeeysay ka soo qaybgalay Ciyaarhan Maxamed Ismaaciil
Siteey oo isagu ka yimi dalka Ingiriiska .
Bari ayaan idiin soo gudbin doonaa nadiijada Ciyaarahaan
cida ku guulaysta sadaxda Koo bee lagu kala guulaysan doono kuwaas oo kala
ah Koobka da’a yarta, Koobka Odayaasha ,
kan kooxaha aan kor ku soo xusnay.
Siyad Said Salah
Xarunta Ciyaaraha Ohio
[email protected]